Home Wararka Maanta Madaxweyne Waare oo xilalkii ka qaaday laba Wasiir, kuwa cusubna magacaabay

Madaxweyne Waare oo xilalkii ka qaaday laba Wasiir, kuwa cusubna magacaabay

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Xilkii ka qaaday Wasiirkii biyaha Iyo Tamarta Hirshabelle Mudane Saalax Maxamed Xasan, waxaana xilkaasi Wasaaradda Biyaha Iyo Tamarta loo magacaabay Xildhibaan Shucayb Abdikarim.

Wareegtada xil ka qaadista Madaxweynaha uu soo saaray, ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle, waxaana loo Magacaabay Xildhibaan Yuusuf Axmed Yalaxow.

Lama oga sababta isbedelkaan xilligan keentay, balse Madaxweynaha Hirshabelle ayaa inta badan Golaha Wasiirada Maamulkiisa ka soo buuxiyay Xildhibaanada Hirshabelle oo xilalka Wasaaradaha uu ku taxay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com