Home Wararka Maanta Madaxweyne Waare oo la kulmay Safiirka Qatar ee Somaliya (SAWIRRO)

Madaxweyne Waare oo la kulmay Safiirka Qatar ee Somaliya (SAWIRRO)

Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Qatar ee Somaliya, Amb. Hassan Hamza.

Qoraal lagu daabacay barta Madaxtooyada Hirshabelle ku leedahay Facebook ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo ay ugu muhiimsan yihiin dhismaha wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

“Waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira horumarinta deegaannada Hirshabelle iyo dardargelinta mashruuca dhismaha wadada Jowhar iyo Muqdisho oo ay maalgalineyso Dowladda Qatar.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Safiirka ayaa Madaxweynaha faahfFaahin ka siiyay fulinta dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo jowhar oo ay dhiseyso shirkad Laga leeyahay dalka Turkiga, waxaana uu sheegay in ay ka go’an tahay dardargelinta mashruucaasi, waxaana Madaxweynaha uu Dowladda Qatar kaga mahadceliyay mashaariicda ay ka wadaan dalka, oo ay qayb ka tahay mashruuca jidadka Muqdisho iyo Afgooye iyo Kan Muqdisho iyo Jowhar.”

Warka ayaa lagu soo geba-gabeeyay “Inta Kulanka uu socday waxa ay si qoto dheer kaga wada hadleen fursadaha maalgashi ee Hirshabelle kaga jira, iyadoo Safiirka uu sheegay in dhawaan ay ka fulinayaan mashaariic horumarineed, ayna diyaar u yihiin in ay ka faa’iideystaan fursadaha Maalgasho ee Hirshabelle, maadaama Hirshabelle ay tahay dhul qani ah oo uu eebe ku maneystay Khayraad dhinac kasta ah.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com