Home Wararka Maanta Madaxweynaha Puntland & Taliyaha Africom oo shir ku yeeshay Boosaaso (SAWIRRO)

Madaxweynaha Puntland & Taliyaha Africom oo shir ku yeeshay Boosaaso (SAWIRRO)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Maraykanka Africom Gen. Stephen J.Townsend iyo wafdi uu hoggoominayo oo booqasho ku yimi Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Taliyaha Taliska Africom Gen. Stephen J.Townsend waxay ka wada hadleen Amaanka Guud iyo la Dagaalanka Argagixisada,iyo wada shaqaynyta Taliska Africom iyo Puntland.

Taliyaha Africom ayaa shalay wuxuu joogay Magaalada Kismaayo, halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Hawlgalka Africom ayaa waxa ay dagaal adag kula jiraan Ururka Al Shabaab, iyadoo la sii kordhiyay dagaalka ka dhanka Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com