Home Wararka Maanta Madaxweynaha Puntland oo war ka soo saaray qaraxii Magaalada Garoowe

Madaxweynaha Puntland oo war ka soo saaray qaraxii Magaalada Garoowe

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa war ka soo saaray ismiidaamintii xalay ka dhacday Magaalada Garoowe, ee lagu dilay Gudoomiyihii Gobolka Nugal, Cabdisalaan Xasan Xersi (Gujir).

Madaxweynaha ayaa sheegay in Gudoomiyaha lagu dilay Saldhiga Dhexe ee Magaalada Garoowe, xilli uu gudanayay shaqada uu shacabka u hayo.

Qoraalka Madaxweynaha Puntland ayaa u qornaa:-

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca dowladda iyo kan Shacabka Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida, Alle ha u naxariistee Gudoomiyihii Gobolka Nugaal marxuum Cabdisalaan Xasan Xersi (Gujir) oo arxan laawayaasha cadowga umadda Soomaliyeed gaadmo ismiidaamin ah dhaawac ka soo gaaray uu u geeriyooday. Gudoomiyuhu waxa uu gudanaayay waajibaadkiisa shaqo ee uu u hayo shacabkiisa, waxaana uu ku sugnaa xilligaasi Saldhiga Dhexe ee Caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe.

Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu si kulal u cambaaraynayaa falkaasi argagixiso ee lala beegsaday Saldhigga Dhexe ee Caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe, waxa uu Madaxweynuhu Alle “SWC” uga baryayaa intii ku dhaawacantay inuu u boogadhayo, waxaana uu Madaxweynuhu bogaadiyey ka hortagga deg degga ah ee ay ciidamada Puntland kaga hortageen cadawga gabood falkaasi la damacsanaa shacabka iyo masuuliyiinka waajibaadkooda shaqo gudanaayey.

-DHAMMAAD-