Home Wararka Maanta Madaxweynaha Puntland oo sharcidaro ku tilmaamay magacaabista Golaha Adeegga Garsoorka

Madaxweynaha Puntland oo sharcidaro ku tilmaamay magacaabista Golaha Adeegga Garsoorka

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay hadal ka jeediyay Munaasabad lagu xusayay aasaaskii Puntland oo lagu qabtay Gaalkacyo ayaa sharci-darro ku tilmaamay in ay magacaabis sameeyaan Golaha Wasiirada Xukuumaddii dhacday ee xilka sii haya.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ay sharci-darro tahay Hannaanka loo maray magacaabidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo hay’adda Batroolka Soomaaliya islamarkaana aysan Puntland aqoonsan doonin midkoodna.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in Golaha Xukuumaddii dhacday aysan sharciyad u haysan magacaabidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo hay’adda Batroolka Soomaaliya sidaas darteedna ay sharci-darro tahay magacaabistooda.

Waxa uu sheegay maalmihii dambe inay dhacaayeen tallaabooyin lagu jabinaayay Dastuurka KMG ee dalka u yaallo, islamarkaana ay ku dhaqaaqayeen Wasiirada xilalka sii haya.

“Waxaan u baanhanahay Dowladda Soomaaliya inay ixtiraamto dastuurka, maalmihii u dambeeyay waxaa socda xadgudubyo dastuurka oo dhowr ah, kuwa horaa u sheegay ma rabo inaa ku noqdo kuwa hada cusub waxaa ka mid ah, xukuumaddii dhacday ee sida sharci darada lagu riday waxay saxiixeen golaha adeegga garsoorka oo ah qodob aad muhiim ugu ah dowlad dhiska Soomaaliya, hey’ada 3aad aas aaska u ah sharciga oo uu ka dhalan doono maxkamadda dastuuriga ah, sida sharci darada loo maray iyagoo awood laheyn inay ansixiyaan” ayuu yiri madaxweyne Deni oo xalay khudbad ka jeediyay Munaasabadda 1-da Agosto oo ku beegan 22 guuradii ka soo wareegatay aas aaska Puntland.

Madasha Xisbiyada Qaran, Ururada Bulshada Rayidka, Ururka Qareenada Somaliyed & Maamulka Puntland ayaa ka soo horneestay hanaanka loo maray magacaabista Xubnaha Guddiga Adeegga Garsoorka ee Golaha Wasiirada hadda jooga ay magacaabeen 30kii Bishii la soo dhaafay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com