Home Wararka Maanta Madaxweyne Deni oo cafis u fidiyay Odayaashii ku xirnaa Boosaaso

Madaxweyne Deni oo cafis u fidiyay Odayaashii ku xirnaa Boosaaso

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Dani, ayaa cafiyay maxaabiis ku xirnaay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Maxaabiista la cafiyey, oo tiradoodu gaareyso gaareyso 39, ayaa waxaa ka mid ah odayaaal iyo siyaasiyiin uu ku jiro Muuse Cali Jaamac.

Cafiska Maxaabiistaan, ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii Madaxweynaha uu shalay booqday Xabsiga dhexe ee Magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay ku xirnaayeen maxaabiistaan.

Maxaabiista la cafiyay ayaa soo dhaweeyay go,aanka Madaxweynaha uu ku cafiyay, waxaana ay sheegeen inay ka mahadcelinayaan tallaabada Maxaabiista lagu cafiyay.

Madaxweynaha Puntland oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa la filayaa inuu kulamo kala duwan la qaato Odayaasha ku nool Magaaladaasi oo uu kala hadlo arrimaha ammaanka.