Home Wararka Maanta Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo saddex Wasiir magacaabay (Akhriso)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo saddex Wasiir magacaabay (Akhriso)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa isku shaandhayn ku sameeyay qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu Fahiima Cismaan Cumar uu ugu magacaabay inay noqoto Wasiirka Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka.

Wareegtada ayaa Aweys Cismaan Xuseen Macalin loogu magacaabay inuu noqdo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknooliyadda Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Saalax Sayid Cali Shariif Nuur u xushay inuu noqdo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweyna Lafta-gareen ayaa isku shaandhayntan sameeyay, xilli uu maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, oo sida uu sheegay u yimid wadatashi iyo arrimo ku aadan fatahaadaha xilligan ka jira Gobolka Shabellaha Hoose.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com