Home Wararka Maanta Madaxweynaha Galmudug oo la shiray madaxda Hay’addaha QM ee Somaliya

Madaxweynaha Galmudug oo la shiray madaxda Hay’addaha QM ee Somaliya

Madaxweynaha DGGM Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shir khadka internetka ah la yeeshay Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya. Shirka ayaa looga hadlay saameynta cudurka safmarka ah ee covid19 ku yeeshay Bulshada reer Galmudug iyo sidii loola tacaali lahaa.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray Covid19 iyo saameyntiisa caafimaad, dhaqaale iyo midda waxbarasho.

Waxaa Madaxweynaha DGGM ku wehliyay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada Galmudug sida Wasiirka Qorsheynta iyo Wasiiru-dowlaha Caafimaadka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ka dalbaday madaxda Hay’addaha Qaramada midoobay Galmudug inay ka caawiyaan sidii looga hortag lahaa xanuunka Covid-19.

Magaalada Cadaado & Magaalada Caabudwaaq ayaa lagu soo waramayaa inuu si wayn u saameeyay xanuunka Covid-19 iyadoo ay jiraan kiisas dhimadho ah uu cudurkaan sababay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com