Home Wararka Maanta Madaxweynaha Galmudug oo gaaray deegaanka Bangeele (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug oo gaaray deegaanka Bangeele (SAWIRRO)

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa galabta gaaray deegaanka Bangeele, oo dhaca duleedka Magaalada Caabudwaaq.

Wafdiga Madaxweynaha Galmudug oo ka amba-baxay Magaalada Caabudwaaq ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay deegaanka Bangeele, ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga Madaxweynaha Galmudug uu deegaankaasi u tagay, sidii uu ugula kulmi lahaa qaybaha bulshada. Sidoo kalana uu socdaalkiisan qayb ka ah dadaalada nabadda iyo horumarinta deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinaya Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada, Xildhibaano iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida.

Ciidamada Galmudug ayaa si weyn u adkeeyay amniga deegaanka Bangeele, oo lagu wado in muddo kooban uu ku nagaado Madaxweyne Qoorqoor.

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug ayaa toddobadkii lixaad ku guda jira socdaalkiisa nabadda ee Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com