Home Dhacdooyinka Madaxweynaha Galmudug oo damaashaad u tagay Xeebta Hobyo (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug oo damaashaad u tagay Xeebta Hobyo (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gelinkii dambe ee maanta damaashaad iyo jimicsiba u tagay Xeebta Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa Xeebta Degmada Hobyo ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Galmudug, General Bishaar Abshir Geedi iyo xubno kaloo siyaasiyiin u badan.

Madaxweynaha oo xirnaa dharka isboortiga ayaa intaasi ka dib bilaabay in uu ku rucleeyo Xeebto Hobyo, xilli uu barbar cararaayay Wasiirkiisa Dekedaha & Kalluumeysiga, Cabdisaabir Nuur Shuuriye.

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug ayaa jimicsiga ka dib, sawirro wadajir ah la galay masuuliyiintii goobta ku sugnaa, oo laga xusi karo Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi.

Damaashaadka iyo jimicsiga uu Madaxweynuhu u tagay xeebta dhirirsan ee Hobyo ayaa ku soo aadaysa, xilli Galmudug ay olole xoog lihi ugu jirto, sidii ay deked caalamiya uga dhisi laheyd degmadaasi taariikhda facaweyn lihi.

Farriinta uu dirayo Madaxweyne Qoorqoor waxaa weeye in Degmada Hobyo ay tahay mid ammaan ah, isla-markaana ay dadka reer Galmudug iyo madaxdooduba ka go’an tahay dhismaha Dekeda Hobyo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com