Home Wararka Maanta Madaxweynaha Galmudug oo balan qaaday Mucaarad & Muxaafid inuu la shaqeynayo

Madaxweynaha Galmudug oo balan qaaday Mucaarad & Muxaafid inuu la shaqeynayo

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa balan qaaday mucaarad & Muxaafid si wadajir ah inuu ula shaqeyn doono si horumar ballaaran loo gaarsiiyo deeganada Galmudug.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa maalmihii la soo dhaafay la kulmaayay Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka soo jeeda Galmudug, kuwaasi oo tagay Magaalada Dhuusamareeb, kadib markii Madaxweyne Qoor qoor uu casuumay.

Waxa uu balan qaaday Madaxweynaha Galmudug inuu si wadajir ah ula shaqeynaayo mucaaradka & Muxaafidka, islamarkaana qorshaha uu yahay sidii Maamulka Galmudug lagu gaarsiin lahaa horumar.

“Aniga weli waxaan diyaar u ahay inaan wada-hadal wax walbo ku dhameeyo,halkaan waxaa jooga siyaasiyiin na diidanaa balse waan wada hadalney waana heshiiney,kuwa naga maqan duruufo ayaa jira waana imaan doonaa ayuu yiriā€¯Madaxweyne Qoor Qoor.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Madaxweynaha Galmudug in uu weli diyaar u yahay in uu la wada hadalo cid kasta oo kasoo horjeeda Maamulka uu Madaxda ka yahay si loo helo Galmudug leh horumar iyo amni.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com