Home Wararka Maanta Madasha Xisbiyada Qaran oo ka soo horjeesatay tallaabooyin ay qaadeen Xukuumadda xilka...

Madasha Xisbiyada Qaran oo ka soo horjeesatay tallaabooyin ay qaadeen Xukuumadda xilka sii haysa

Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku mideysan yihiin Lix Xisbi Siyaasadeed oo ay hoggaanka u yihiin Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif & Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa ay kasoo horjeesteen tallaabooyinkii ugu dambeeyay oo ay qaadeen Golaha Wasiirada Soomaaliya ee xilka siihaya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa loogu baaqay Madaxda Sare ee dalka & Golaha Wasiirada xilka siihaya inay ilaaliyaan Sharciga iyo Dastuurka xilligaan lagu guda jiro kala-guurka oo hadaan la garowsan uu dalka geli karo khalalaaso siyaasadeed.

Madasha Xisbiyada Qaran waxa ay ka soo horjeesteen magacaabista Xubnaha Guddiga Adeegga Garsoorka & Xubnaha Guddiga Batroolka ee Wasiirada xilalka sii haya ay magacaabeen.

Waxa ay ugu baaqeen Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo & Xildhibaanada Baarlamaanka inay ka shaqeeyaan illaalinta nidaamka Sharciga ee dalka u yaallo, xubnahaasi la magacaabayna aanan la meel marin, maadaama Dastuurka KMG uu ka soo horjeedo magacaabistooda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com