Home Wararka Maanta Lafta-gareen oo Wakiilada Beesha Caalamka kula kulmay Muqdisho (SAWIRRO)

Lafta-gareen oo Wakiilada Beesha Caalamka kula kulmay Muqdisho (SAWIRRO)

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa maanta Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka qaarkood.

Qoraal ka soo baxay Madxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu kulankan la qaatay Safiirada Mareykanka, Ingiriiska, Kuxigeenka 1aad Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya iyo Sarkaal ka socday Midowga Yurub oo kulanka uga qaybgalay foggaan araga Internet-ka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in intii uu kulanka socday looga wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin ilaalinta xasiloonida guud ee dalka, doorashada oo waqtigeeda lagu qabto iyo meel marinta qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb.

“Kulanka oo ahaa mid saacado qaatay inta uu socday waxaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahayeen, sidii loo ilaalin lahaa xasiloonida guud ee dalka, doorashada waqtigeeda ku qabsoomta iyo sidii looga wada shaqayn lahaa natiijadii ka so baxday shirkii u dambeyey ee Dhuusamareeb ka dhacay.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com