Home Uncategorised Laba weerar oo maanta lagu dilay shan qof oo Israeliyiin ahaa (Daawo...

Laba weerar oo maanta lagu dilay shan qof oo Israeliyiin ahaa (Daawo Sawirada)

Laba weerar oo maanta ka kala dhacay Magaalada Tel Aviv iyo Deegaanka Avon Shlut Ee Daanta Galbeed, ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan shan qof oo Israel u dhashay, halka tiro kalana lagu dhaawacay.

Nin mindi ku hubeysnaa, ayaa laba ruux ku dhex dilay xafiis ku dhex yaala dhismo ku yaala Magaalada Tel Aviv, xilli ay hawlo shaqo u jooggeen, iyadoona gacanta lagu dhigay ninkaasi.

Booliska Magaalada Tel Aviv, ayaa waxay xaqiijiyeen in la soo qabtay ninkaasi, lana baaritaano doono, ka hor inta aan la horkeenin Maxkamadda Tel Aviv.

Weerarka labaad, ayaa ka dhacay Deegaanka Avon Shlut, waxaana lagu dilay saddex ruux, ka dib markii nin la socday gaari nooca raaxada ah uu rasaas ku furay gaari bas ah, oo dadka Israeliyiin ahaa ay la socdeen.

Boolisku waxay sheegeen in gaarigii uu ninkaasi watay uu jiirsiiyay dad wadada maraayay, xilligii uu rasaaseynaayay baska, ayna jiraan tiro dad ah oo ku dhaawacmay shilkaasi.

Illaa iyo hadda faah faahin badan lagama haayo waxa uu ahaa ninkaasi, balse waxaa soconaayo hawlgalo lagu baadi-goobaayo.

Weeraradan, ayaa waxay ku soo beegmayaan, xilli Daacish ay Arbacadii shalay ku hanjabtay in ay weeraro ka gaysan doonaan dalka Israel, sababo ku aadan dhibaatada ay ku hayso shacabka Falastiin.

AvivAviv1Aviv2Aviv3Aviv4Aviv5Aviv5-Aviv6Aviv7Aviv8Aviv9Aviv91