Home Wararka Maanta Khayre oo ka hadlay qaraxa lagu dilay Gudoomiyihii Gobolka Nugaal

Khayre oo ka hadlay qaraxa lagu dilay Gudoomiyihii Gobolka Nugaal

Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa si kooban uga hadlay qaraxii xooganaa ee xalay ka dhacay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Qaraxan oo uu gaystay nin naftii hallige ahaa ayaa lagu dilay Gudoomiyihii Gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xersi (Gujir), halka uu ku dhaawacmay Taliyihii hore ee Qaybta Booliska Gobolka, Faarax Galangoli.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa tacsi u diray qoyskii uu ka baxay Gudoomiyihii Gobolka Nugaal, isagoona Alle uga baryay in uu u naxariisto.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska Gudoomiyihii Gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xersi oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxii Garowe. Waxaan Alle uga baryaynaa in uu u naxariisto.” Ayuu yiri Khayre oo warkan ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitter-ka.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda ismiidaaminta ee fiidnimadii xalay ka dhacay Xarunta Maamulka Puntland ee Garoowe.

“Mujaahidiinta ayaa hawlgal ku beegsaday masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, khasaaro xoogan ayaana cadowga gaaray.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Al Shabaab.

Waa weerarkii labaad oo ismiidaamin ah oo ka dhaca Magaalada Garoowe, inta ay taariikhda qoreyso.

Weerarkan kii ka horeeyay ayaa 20-kii bishii April ee sanadkii 2015 waxaa Magaalad Garoowe lagula eegtay Shaqaalaha Qaramada Midoobey.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com