Home Wararka Maanta Kenya oo soo bandhigtay nooca diyaaraddii ku burburtay Dhoobley

Kenya oo soo bandhigtay nooca diyaaraddii ku burburtay Dhoobley

Kenya ayaa waxay ka hadashay diyaaraddii xalay ku burburtay Garoonka Diyaaradaha Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo burburkeeda loo maleynayo inuu ka dhashay cilad ku timid.

Bayaan ka soo baxay Taliska Militariga Kenya ayaa marka hore lagu xaqiijiyay in diyaaradaasi oo nooceedu uu yahay Harbin Y-12, ay yihiin Ciidanka Cirka Kenya.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in diyaaradda ay shil ku gashay Garoonka Dhoobley, xilli ay u duuleysay oo ay dib ugu laabaneysay Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya.

Sidoo kale waxay Kenya xaqiijisay in dhammaanba tobankii askari ee diyaaradda la socday oo ka tirsan Ciidanka Cirka, ay ka badbaadeen shilkaasi, isla-markaana ay xaaladoodu tahay mid degan. Bayaanka ayaa lagu xusay in dhaawacyo yar yar uu ka soo gaaray shilkan, iminkana xaaladooda lagula tacaalayo Isbitaalka Ciidanka Difaaca ee Magaalada Nairobi (Kenya Defense Forces Memorial Hospital).

Taliska Militariga Kenya ayaa bayaanka ku muujiyay in Dhoobley loo diray koox khubaro ah, si baaritaan ugu soo sameeyan waxa dhabta ahi ee keenay burburka diyaaradaasi.

Waa diyaaraddii saddexaad oo sanadkan gudahiisa ku burburto Somaliya, ka dib labadii diyaaradood, ee siyaabooyinka kala duwan ugu kala burburay Degmooyinka Bardaale ee iyo Beledweyne, billihii May iyo Luulyo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com