Home Wararka Maanta Jubbaland oo sharcidaro ku tilmaamtay magacaabista Guddiga Adeegga Garsoorka dalka

Jubbaland oo sharcidaro ku tilmaamtay magacaabista Guddiga Adeegga Garsoorka dalka

Maamulka Jubbaland ayaa ka soo horjeestay Magacaabista Xubnaha Golaha Wasiirada Somaliya ay magacaabeen Xubnaha Guddiga Adeegga Garsoorka dalka.

Wasiirada Somaliya oo hadda ah sii hayaal ayaa 30kii Bishii la soo dhaafay waxa ay magacaabeen Xubnaha Guddiga Adeegga Garsoorka dalka, waxaana arrintaasi laga muujiyay walaac.

Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu sheegay inay walaac ka qabaan xubnaha Guddigaas, islamarkaana magacaabistooda aanan loo marin sifo sharciga waafaqsan.

Xubnaha Golaha Wasiirada hadda jooga ayuu ku tilmaamay inay yihiin xil gaarsiiyaal, islamarkaana sida Dastuurka uu qoraayo awoodooda aysan ku jirin inay magacaabis intaas la,eeg ay sameeyaan.

Golaha Wasiirada Somaliya ee xilalka haaya ahaa 30kii Bishii la soo dhaafay magacaabay Guddiga Addeega Garsoorka dalka & Xubnaha Hay’adda Patroolka, waxaana arrintaasi laga muujiyay diidmo kala duwan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com