Home Wararka Maanta Jubbaland oo 70 qof hor leh ka heshay xanuunka COVID-19

Jubbaland oo 70 qof hor leh ka heshay xanuunka COVID-19

Jubbaland ayaa waxay shaacisay in 70 qof oo cusub laga helay xanuunsidaha COVID-19 ee uu keeno Coronavirus, waana tiradii ugu badneyd oo mar keliya ay Jubbaland xaqiijiso.

Dr. Mursal Maxamad Khaliif, Wasiirka Caafimaadka Jubbaland ahna Gudoomiyaha Guddiga Ka Hortagga COVID-19 ee Jubbaland ayaa xaqiijiyay in 70 qof oo cusub laga helay xanuunka.

Wasiirka oo xalay la hadlay Jubbalandtv ayaa tilmaamay in 24-kii saac ee ugu dambeysay xanuunka laga helay 70 qof, ka dib markii laga baaray 106 qof, sida uu yiri.

Sida uu sheegay Wasiirka waxaa ay tani ka dhigeysaa tirada guud ee deegaanada Jubbaland laga diiwaangeliyay 134 xaaladood, halka 5 bukaana ay u geeriyoodeen.

Wasiirka ayaa intaa ku daray Illaa iyo hadda in ay xanuunka ka bogsatay 11 qof, ka dib markii laba jeer oo xanuunka inta laga baaray aan laga helin.

Warbixinta maalinlaha ah ee guddiga ka hor tagga COVID-19 ee Jubbaland.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowlad Goboleedka Jubbaland ahna guddoomiyaha guddiga ka hor tagga xanuunka COVID-19 ee Dowlad goboleedka Jubbaland Dr. Mursal Maxamad Khaliif ayaa ka warbixiyay xaalado cusub oo la diiwaan galiyay 24 aaac ee laso dhaafay, Waxaana laga helay xanuunka dad gaaraaya 70 ruux oo horleh.

Gepostet von Jubbaland TV am Mittwoch, 20. Mai 2020

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com