Home Wararka Maanta Jabuuti oo lagu qabtay afar qof Coronavirus qaba, oo xadka Somaliland ka...

Jabuuti oo lagu qabtay afar qof Coronavirus qaba, oo xadka Somaliland ka soo gudbay

Xuduuda Jabuuti ay la wadaagto Somaliya/Somaliland ayaa waxaa lagu qabtay afar qof oo laga helay caabuqa dilaaga ah ee Coronavirus.

Dadkan oo lagu qabtay soodinta Looya-Cadde ayaa ku sii jeeday gudaha dalka Jabuuti, markii ay qabanayeen Ciidanka Ilaalada Xuduuda Jabuuti.

Telefishinka Qaranka Jabuuti ayaa goor dhow oo caawa ah baahiyay in dadkaasi oo afar qof gaaraya, ay ka soo gudbeen xuduuda Somaliya.

Dadkan ayaa waxaa lagu hayaa oo lagu karantiilay goob loogu talagalay in lagu karantiilo dadka laga helay caabuqan, oo xuduuda laga hirgeliyay.

Xaaladahan cuusb ee dalka Jabuuti laga soo wariyay ayaa tirada guud ee dalkaasi laga diiwaangeliyay ka dhigeysa dhawr iyo toban ruux.

Arrinta layaabka leh waxaa weeye in dad ka yimid Deegaanada Somaliland laga helay cudursidaha dunida faraha kulul ku haya ee COVID-19.

Tani waxay ku soo aadaysaa, xilli Deegaanada Somaliland aynaan oolin qalabka lagu baaro Coronavirus, taasoo ay kala siman tahay Somaliya inteeda kale.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com