Home Wararka Maanta Jabuuti oo laga helay kiisas kale oo la xiriira caabuqa COVID-19

Jabuuti oo laga helay kiisas kale oo la xiriira caabuqa COVID-19

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxay maanta shaaca ka qaaday in dalkeeda laga helay kiisas hor leh, oo la xiriira caabuqa COVID-19 ee ka dhashay fayriska Corona.

Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti ayaa waxay galabta sheegtay in dalkaasi laga diiwaangeliyay toddobo kiis oo kale, ka dib markii baaris caafimaad lagu sameeyay boqol, afar iyo afartan qof.

“114 qof oo la marsiiyay shaybaarka lagu ogaado caabuqa COVID-19 ayaa 7 ka mida laga helay xanuunka Coronavirus.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lau sheegay in dalka Jabuuti oo dhan laga diiwaangeliyay shan iyo labaatan kiis oo Coronavirus ah, ka dib markii baaritaan lagu sameeyay lix boqol iyo labaatan qof.

“Tan iyo 17-kii bishan waxaa baaritaan caafimaad lagu sameeyay 620 qof, iyadoo 25 ka mida lagu arkay cudursidaha Coronavirus, guud ahaan dalka Jabuuti.” Ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Caabuqa faraha kulul dunida ku haya ee COVID-19 ayaa tan iyo bartamihii bishan ku fidaayay dalka Jabuuti, oo goob istiraatiijiya ku yaala.

Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maalmo ka hor dadkiisa ugu baaqay in ay ka feejignaadaan caabuqaasi, isla-markaana ay ka qayb qaataan la dagaalankiisa, iyagoo u hoggaansamaya tallooyinka caafimaadeed ee loo jeedinayo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com