Home Maqaalo Is bedelada ka socda dalka & Hanqaltaaga Siyaasiyiinta

Is bedelada ka socda dalka & Hanqaltaaga Siyaasiyiinta

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa Saddaxdii sano ee ugu danbeysay ka bogsaneysay Bur-burkii ka muuqday dhismooyinka dowlada, kadib markii ay dayactirkooda dhexda u guntadeen madaxda dalka.

Dayactirka ugu badan ayaa lagu sameeyay xarumaha muhiimka ah oo ay ku shaqeyn lahaayen dhowr Wasaaradood, kuwa oo iminka ay u shaqo tagan howlwadeeno badan oo u taagan taabagalinta shaqooyinka bulshada.

Dhismooyinka bilicdooda dib ula soo laabtay ayaa waxaa wakhti u huray howlwadeenada dowlada, kuwaa oo lagu dhiirigaliyay barnaamij loogu magacdaray “Is-xilqaan”, iyadoo barnaamijkaasi uu dawo u noqday rajo beelkii ku dhacay dhalinta Soomaaliyeed.

Dowlada ayaa sidoo kale meesha ka saartay khilaaf siyaasadeedkii ragaadiyay howlaha Qaranka kadib markii ay xal u heshay daweynta qeybo kamid ah waxyaabihii sababi jiray khilaafka iska horkeeni jiray madaxda ugu sareysa dalka iyo labada Gole ee baarlamaanka.

Dadaalada muuqda ee looga hortagay khilaafyada soo laalaabta ayaa waxaa kamid ah “is dhageysiga madaxda” taa oo la rumeysan yahay inay sabab u tahay in lasoo afmeero dhammaan khilaafyadii ka dhextaagnan jiray  madaxda.  

Madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), Guddoomiyaha BFS Max’ed Mursal Sheekh iyo Ra’isul-wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa iyaguna siyaabo kala duwan ugu celceliyay inay u taagan yihiin xalinta tabashooyinka bulshada ay xilka u hayan, waxa ayna taasi laashay kalsooni daradii lasoo daristay Bulshada Soomaaliyeed, kuwaa oo intooda badan xal loo helay, halka kuwa harsan xalintooda ay socoto.

Haddaba madaxda ugu sareysa dalka maxay kaga duwan yihiin madaxdii hore ee dhankooda kasoo halgamay.

1-Xiriirka arrimaha Dibadda oo dib loo soo nooleeyay.

2-Faragalinta shisheeye oo lasoo afjaray.

3-Amniga dalka oo meel wanaagsan gaaray.

4-Khilaaf siyaasadeedka joogtada ahaa ee u dhexeyn jiray Seddexda mas’uul ee ugu sareysa dalka oo meesha ka baxay.

5-Xukuumadihii is bed-bedeli jiray oo la hakiyay.

6-Wada shaqeynta madaxda iyo wadatashiga oo dhaqan noqday.

7-Dib usoo celinta muwaadiniinta ku dhibanaa dibadda oo lagu guuleystay.

8-Kasbashada shacabka.

9-La dagaalanka Musuq Maasuqa.

10-Xuquuqda Howlwadeenada, Ciidamada iyo Saraakiisha dowlada oo joogto noqotay.

11-Xilalka muhiimka ah oo lagu saleeyay aqoon.

12-Ciidanka u taagan difaaca dalka oo loo sameeyay diiwaangalin nidaamsan.

Dhaliilaha dhinacyada ka aragti duwan DFS.

Waa xaqiiq jirta in dal waliba uu leeyahay mucaarad balse dhaliilaha mucaaradka adduunka ayaa ah mid ku qotonta siyaasada kala dhexeysa hadba dowlada markaa heysa talada dalka.

Waxa xusid mudan in mucaaradka adduunka ay ka qeybqaatan dhismaha dalkooda sida “Dhismooyinka Waddooyinka, ka shaqeynta Bilicda, dhismooyinka goobo caafimaad, Garab istaaga  dadka tabaaleysan iyo inay kaalin ka qaatan dadaalada lagu nabadeynayo dalkooda”.

Maxaa la gudboon dhinacyada ka aragti duwan DFS

Dhinacyada ka aragti duwan DFS waxaa la gudboon inay muujiyan kaalintooda ku aadan hormarinta dalka, isla markaana xisaabta ay ku daran in dalka uu yahay dalkooda loona baahan yahay inay kala qaadan “La ficiltanka dowlada iyo Hormarinta dalkooda”.

Ahmiyada ugu weyn ayaa ah in marka hore aad ka shaqeyso dhismaha dalkaaga, si aad u noqoto mas’uul maalgashtay dalkiisa taa oo ku sahleysa in xilka aad raadineyso aad nasiib u yeelato adigoo inta ugu badan qabtay howlihii ku sugaayay sida “dhismooyinka iyo horumarinta dalkaaga”.

Dalka yaa leh

Dalka waxa uu ka dhexeeya dhammaan Ummada Soomaaliyeed kan ku jira “uurka hooyadii ilaa midka u hanqal taagaya xilka Madaxweyninimo”, sidaa aawgeed waxaa kula gudboon in aad ilaaliso ceybaha dalkaaga iyo kan madaxda, si marka aad noqoto madaxweyne aad u hesho Bulsho dhowrta ceebtaada.

Mas’uul waliba waxa uu jecelyahay in lagu amaano xilka uu hayo, taasi waxa ay ka dhigan tahay in qofka haya xil uu mudan yahay in aad hagto adiga oo an u geysaneynin niyad jab, si maalinta aad hesho fursad uu kuu dhiirigaliyo.

Gabagabo

Cid waliba waxa aan xusuusinayaa in dalka uu yahay dalkaaga isla markaana amni daradiisa ama ceybtiisa la faafiyo ay kugu sii daba dheereneyso xasilooni daro, si taasi looga badbaado waxa aan ku talin lahaa in aad ka fiirsato waxyaabaha dalkaaga dhibayo ama galinkara qalqal siyaasadeed ama mid amni.

Afeef

Waxa aan ka afeefanayaa in qoraalkani uusan ku wajahneen cid gaara, balse ujeedkiisa uu yahay keliya in aadan qalqal galin dalkaaga haddii aadan awoodin in aad ka shaqeyso quruxdiisa, waxa an qirayaa inay jiran Siyaasiyiin badan oo ka dhowrsan dhaliilaha qaar ee ku xusan qoraalkan.

Qore: Anwar Bakhit