Home Wararka Maanta Haweeney ka tirsaneyd Gobolka Banaadir oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

Haweeney ka tirsaneyd Gobolka Banaadir oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa magaalada lagu dilay haweeney xubin ka ahayd Ururka Haweenka ee Gobolka Banaadir.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa Degmada Yaaqshiid ku toogtay haweeneydan, oo lagu magacaabi jiray Maryan Maxamuud Axmed.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumadda ay u geeriyootay dhaawac culus, oo ka soo gaaray rasaastii ay la dhaceen ragaasi.

Sidii caadada ahayd raggan ayaan lagu guuleysan in gacanta lagu soo dhigo, haddiiba sharciga la horkeeni lahaa.

Jawaahir Baarqab, Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee Gobolka Banaadir ayaa waxay xaqiijisay dilka loo gaystay Maryan Maxamuud Axmed.

Jawaahir Baarqab ayaa ka tacsiyadeysay geerida naxdinta leh ee ku timid haweeneydaasi, oo xubid ka ahayd Ururka Haweenka ee Gobolka Banaadir.

Mintidiinta Ururka Al Shabaab ayaa horey Magaalada Muqdisho ugu dilay haween xubno ka ahaa, Ururka Haweenka ee Gobolka Banaadir.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com