Home Wararka Maanta Gudoomiyihii Gobolka Nugaal oo u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray qaraxa

Gudoomiyihii Gobolka Nugaal oo u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray qaraxa

Allaha u naxariistee waxaa goor dhow Magaalada Garoowe ku geeriyooday Gudoomiyihii Gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xersi (Gujir), ka dib markii uu ku dhaawacmay qaraxii caawa ka dhacay magaaladaasi.

Gudoomiyaha ayaa ku geriyooday Isbitaalka weyn ee Garoowe, wax yar uun ka dib markii qaliin lagu sameeyay.

Dhakhaatiirta ayaa waxay iminka la tacaalayan dhaawaca Taliyihii hore ee Qaybta Booliska Gobolka, Faarax Galangoli, oo ka mid ahaa xubnihii la socday Gudoomiyaha.

Nin naftii hallige ahaa ayaa isu qarxiyay gaadiid ay masuuliyiintan la socdeen, xilli ay marayeen barxadda Magaalada Garoowe, gaar ahaan agagaarka Saldhiga Qaybta Booliska.

Shabaabka dalka ka dagaalama ayaa sheegtay masuuliyadda ismiidaaminta fiidnimadii caawa ka dhacday Xarunta Maamulka Puntland ee Garoowe.

“Mujaahidiinta ayaa hawlgal ku beegsaday masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, khasaaro xoogan ayaana cadowga gaaray.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay mintidiinta Al Shabaab.

Waa weerarkii labaad oo ismiidaamin ah oo ka dhaca Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland, inta ay taariikhda qoreyso.

Weerarkan kii ka horeeyay ayaa 20-kii bishii April ee sanadkii 2015 waxaa Magaalad Garoowe lagula eegtay Shaqaalaha Qaramada Midoobey.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com