Home Wararka Maanta Gudoomiyihii Gobolka Nugaal oo lagu aasay khabuuraha Garoowe (SAWIRRO)

Gudoomiyihii Gobolka Nugaal oo lagu aasay khabuuraha Garoowe (SAWIRRO)

Allaha u naxariistee Gudoomiyihii Gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xersi (Gujir) ayaa maanta aas ballaaran loogu sameeyay khabuuraha Magaalada Garoowe.

Gudoomiyaha ayaa xalay Isbitaalka weyn ee Garoowe ugu geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray weerar ismiidaamin ahaa, oo lagula eegtay barxadda Garoowe.

Aaska Gudoomiyihii Gobolka Nugaal ayaa waxaa ka qaybgalay qoyskiisii, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne-yaashii isaga ka horeeyay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole), Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawil, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Puntland, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Puntland, Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Hoggaanka Dhaqanka iyo qaybaha kale ee bulshada.

Madaxweyne Deni ayaa goobta aaska kula kulmay xubno ka mid ah qoyskii iyo eheladii Allaha u naxariistee Gudoomiyihii Gobolka Nugaal, iyadoona uu kaga tacsiyadeeyay geerida ku timid.

Ismiidaaminta lagu dilay Gudoomiye Gujir oo noqoneyso tii labaad oo ka dhacda Magaalada Garoowe ayaa waxaa sheegtay Ururka Al Shabaab.

Ismiidaamintan middii ka horeysay oo 20-kii bishii April ee sanadkii 2015 ka dhacday Magaalada Garoowe ayaa lala eegtay Shaqaalaha Qaramada Midoobey.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com