Home Wararka Maanta Gudoomiye Kuxigeenkii Degmada Wanlaweyn oo caawa qarax lagu dilay

Gudoomiye Kuxigeenkii Degmada Wanlaweyn oo caawa qarax lagu dilay

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in caawa qarax bambaano lagu dilay Gudoomiye Kuxigeenkii Dhinaca Maaliyadda ee Maamulka Degmada Wanlaweyn.

Maxamed Cabdullaahi Cumar (Koosto) ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray bambo gacmeyd lagu tuuray hoygii uu ka deganaa Degmada Wanlaweyn.

Raggii bambada ku tuuray hoygaasi ayaa ka baxsaday goobtaasi, ka hor inta aynaan gaarin Ciidanka Booliska ee degmadaasi ka hawlgala.

Ciidanka Booliska ayaa la soo sheegaya in baaritaano ka wadaan agagaarka hoygii bambada lagu weeraray, inkastoo aan illaa iyo hadda la soo sheegin cid loo soo qab qabtay qaraxaasi.

Sidoo kale tiro dad ah ayuu dhaawac ka soo gaaray qaraxa caawa caweyskii lagu dilay Allaha u naxariistee Maxamed Koosto, oo xilligaan ku magacawnaa Kusimaha Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn.

Saraakiisha Booliska iyo Maamulka Gobolka Shabelaha Hoose ayaan weli ka hadlin qaraxan ugu dambeeyay ee caawa ka dhacay degmadaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com