Home Wararka Maanta Guddoomiyaha Degmada Buurdhuubo oo isku day dil ka badbaaday

Guddoomiyaha Degmada Buurdhuubo oo isku day dil ka badbaaday

Dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab ayaa waxa ay weerar ku qaadeen degmada Buurdhuubo ee Gobalka Gedo waxaana la sheegay in weerarkaasi uu ka badbaaday guddoomiyihii degmadaas.

Weerarka ayaa waxa uu dhacay xalay, kadib markii xubno ka tirsan Shabaab gudaha ay u galeen Degmadaasi, xilli weerar culus ay ku qaadeen.

Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay inay maqlayeen rasaas xooggan oo ay iswaydaarsanayeen Al shabaab iyo ciidanka dowladda federaalka ah waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Warka soo baxay Al shabaab ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha degmada Buurdhuubo Cabdullaahi Shariif uu si dirqi ah uga badbaaday mana jirto illaa iyo hadda war ka soo baxay maamulka degmada uu weerarku ka dhacay.

Al Shabaab ayaa weeraro qorsheysan waxa ay ku qaadaan Magaalooyinka ay joogaan Ciidamada dowladda Federalka Somaliya & kuwa Amisom ee Gobolada dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com