Home Wararka Maanta Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay Waare & Laftagareen

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay Waare & Laftagareen

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa hoygiisa ku qaabilay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Kulanka madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koofur galbeed Mudane, Maxamed Cabdi Waare iyo Mudane, Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) ay la qaateen Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa looga hadlay arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka dalka.

Arrimaha sida wayn la isugu soo hadal qaaday ayaa ku saabsanaa ka gudubka Marxaladda kala guurka ah ee dalka hadda ku jiro si gaar ah arrimaha doorashooyinka.

Shirka ka socda Muqdisho ee u dhaxeeya Madaxda dowladda Federalka Somaliya & Maamul Goboledyada ayaa qodobada qaar ee la isku mari la’yahay waxaa ka mid ah tirada Ergada & Guddiga Doorashooyinka in laga wareejiyo hawsha.

Xalay illaa shalay waxaa Magaalada Muqdisho ka socday kulamo gaar gaar ah oo dhinacyada Siyaasadda ay si wadajir ah u yeelanayeen, taasi oo intooda badan looga hadlaayay arrimaha doorashooyinka dalka.

Waxaa si wayn isha loogu haayaa waxa ka soo bixi doona Shirka, waxaana la isuguyaa habka la isugu afgarto qodobada ugu xasaasisan ee hadda dooda ay ka taagan tahay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com