Home Wararka Maanta Gaari Ciidan oo dil & dhaawac u gaystay carruur iskuul ka timid

Gaari Ciidan oo dil & dhaawac u gaystay carruur iskuul ka timid

Wararka laga helaayo Degmada Shangaani ee Gobolkaan Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi gaari ciidan uu ku jiiray carruur ka timid Iskuul.

Gaariga Ciidanka oo xawaare dheereeya ku socday ayaa wuxuu ku yimid carruurtaan oo laamiga goynaysa, waxaana halkaasi ka dhacay in cabdi bilaha uu jiiro carruurta.

Hal wiil ayaa goobta ku dhintay mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray, isaga oo argagaxsan, waxaana meesha yaalla maydka wiilkii yaraa ee gaariga Ciidanka uu jiiray.

Lama oga inuu baxsaday gaarigii Ciidanka & in gacanta lagu haayo, balse goobta arrintaan ay ka dhacday ayaa ah agagaarka Xarunta dowladda hoose ee Xamar, halkaasi oo ay ku xiran yihiin Kaamirooyin.

Gaadiidka Ciidamada ay wataan ayaa xilliyada ay marayaan wadooyinka Muqdisho, waxa ay ku socdaan xawaare dheereeya taasi oo xilliyada qaar sababi karta shil Khasaare gaysta.

Ciidamada Booliska Saldhiga Shangaani ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxaana socda Baaritaan ku aadan falka dhacay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com