Home Wararka Maanta Dowladda Somaliya oo ku dhawaaqday inay Ciid tahay

Dowladda Somaliya oo ku dhawaaqday inay Ciid tahay

Dowladda Federalka Somaliya ayaa ku dhawaaqday inay tahay ciid, kadib markii meelo ka mid ah Muqdisho & gobolada dalka Somaliya laga arkay bisha Shawaal.

Wasiirka Diinta & Awqaafta Xukuumadda Federalka Somaliya, Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo ka hadlayay Tv-ga Dowladda ayaa shaaciyay in bisha laga arkay Muqdisho & gobolada dalka.

Wasiirka ayaa sheegay markii hore shacabka inay u sheegeen inay tahay berri maalin Soon ah, balse xaqiijin badan kadib la ogaaday inay Ciid tahay.

Qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho oo arkay bisha Soon-fur ayaa la xiriiray Wasaaradda Diinta & Awqaafta, islamarkaana u sheegay inay arkeen bilashada bisha.

Horwy waxaa ugu dhawaaqay berri inay ciid tahay Al Shabaab & Maamulka Jubbaland oo sheegay in deeganada ay ka kala arimiyaan laga arkay Bisha Soonfur.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com