Home Wararka Maanta Dowladda Somaliya oo fasaxeysa duulimaadyada gudaha

Dowladda Somaliya oo fasaxeysa duulimaadyada gudaha

Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya ayaa dib u bilaabi doonta duullimaadyada maxalliga ah toddobaadkan gudihiisa, kuwaas oo horay loogu joojiyay sababo la xiriira Cudurka Coronavirus.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen sida la sheegay Saraakiisha laanta hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha iyo Mas’uuliyiinta Shirkadaha Diyaaradaha ayaa waxaa ay isku raaceen in lagu dhaqmo amaro la xiriira ka hortagga COVID–19 oo horay loo soo saaray.

Amarada la isku raacay ayaa waxaa kamid ah in rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradaha xirtaan qalabka lagu daboosho afka iyo Sanka, gacmo gashiga iyo gacmo-nadiifiyeyaasha, si looga hortaggo Cudurka Coronavirus.

Dowladda Soomaaliya ayaa 29-kii Bishii Maarso waxaa ay si kumeel gaar ah u joojisay duulimaadyada dalka gudahiisa ah si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus, xilligaas oo kiisaskii ugu horeeyay ee Coronavirus ah laga helay Soomaaliya.