Home Wararka Maanta Dowladda oo ka hadashay 4 qof oo karantiil ka dib, Muqdisho lagu...

Dowladda oo ka hadashay 4 qof oo karantiil ka dib, Muqdisho lagu sii daayay

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa waxay ka hadashay afar qof oo Garoonka Aadan Cadde loogu karantiilay caabuqa COVID-19, oo maanta lagu sii daayay Magaalada Muqdisho.

Raggan dhalinyarada ah oo dalka dibadiisa ka yimid ayaa mid ka mid ah waxaa 16-kii bishan la sheegay in laga helay caabuqa COVID-19, ka dib markii baaritaan lagu sameeyay, taasoo keentay in goob gooni ah lagu karantiilo.

Axmed Yuusuf Yaasiin ayaan xilligan laga helin astaamaha muujinaya caabuqaasi, iyadoona ay Wasaaradda Caafimaadka go’aansatay in la fasaxo.

Cabdicasiis Cabdirisaaq Yaasiin, Ducaale Jaamac Maxamuud iyo Ibraahim Maxamed Yaasiin ayaa iyaguna lagu sameeyay laba jeer oo baaritaan ah, markii waxba lagu waayayna la iska sii daayay.

Dhalinyaradan ayaa waxay wax ku soo barteen jaamacad ku taala Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha. Laba ka mid ah waa dhakhaatiir, halka labada kalena ay injineero yihiin.

Xubnahan oo horaantii bishan lagu karantiilay Magaalada Muqdisho ayaa noqonaya kuwoodii ugu horeeyay, ee ay Dowladda Federaalka u karantiisho xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com