Home Wararka Maanta Dowladda oo soo saartay Shuruudaha looga baahan yahay muwaadiniinta ku safraya duulimaadka...

Dowladda oo soo saartay Shuruudaha looga baahan yahay muwaadiniinta ku safraya duulimaadka Caalamiga

Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha Dowladda Federalka Somaliya ayaa soo saartay Shuruudaha looga baahan yahay muwaadiniinta Somaliyed ee dalka dibadiisa ka imaanaya & kuwa u safraya, maadaama Maalinta Berri ah dib loo furaayo duulimaadka Caalamiga ah.

Qoraalka kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa lagu sheegay in Maalinta berri oo Isniin ah kuna beegan 3 Bisha Agoosto dib loo billaabayo Duullimaadyada heerka Caalamiga ahaa ee dalka, ayna wax kasto si caadi ah u soo laaban doonaan.

Hay’adda Socdaalka ayaa sheegtay in dadka dalka soo galaya ay heystaan shahaado caddeyneysa in uusan qabin Cudurka halista ee COVID-19, uuna shahaadadaas qofka qaatay ugu badnaan 72 saacadood kahor.

Dhamaan Shirkadaha ka shaqeeya duulimaadka ayaa lagu wargeliyay macaamiishooda inay u sheegaan inay qaataan Shahaadada cadeynaysa inaysan qabin Covid-19.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com