Home Wararka Maanta Dowladda oo shaacisay xilliga la furaayo duulimaadyada gudaha

Dowladda oo shaacisay xilliga la furaayo duulimaadyada gudaha

Dowladda Somaliya ayaa shaacisay xillig ay bilaabanayaan duulimaadyada gudaha Somaliya, kadib muddo laba bilood oo ay xirnaayeen duulimaadyada.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay inay sameeyeen shuruuc lagu hagayo dadka safrayo si loo adkeeyo dadaalada lagu xakameynayo cudurka Karoona.

Wasiirka ayaa sheegay todobaadka soo socda gudihiisa in dib loo furaayo duulimaadyada gudaha si isu socodka Gobolada dalka dib ugu soo laabtaan.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka  Axmed Macali Xasan iyo Xasan Xaashi  Muxumed guddoomiyaha Guddiga adeegga diyaaradaha ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen dib u furista duulimaadyada dalka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Aadan Isaaq ayaa sheegay in Wasaaraddu ay diyaarisay fariimo wacyigelin ah oo looga digayo qatarta cudurka COVID-19 dhawaana ay ku wareejin doonaan maamulka garoonka diyaaradaha si bulshada ay ula socdaan fariimahaas.

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa shaaciyay in bilawga todobaadka soo socdo dib loo furi doono duuliyaadyada gudaha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com