Home Wararka Maanta Dowladda oo qalab loogu talo galay Covid-19 u dirtay Hirshabelle & Galmudug...

Dowladda oo qalab loogu talo galay Covid-19 u dirtay Hirshabelle & Galmudug (SAWIRRO)

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federalka Somaliya ayaa qalab loogu talo galay ka hortagga Corovairus waxa ay u dirtay Maamul Goboledyada Hirshabelle & Galmudug.

Qalabkaan ayaa diyaarad gar gaar waxaa looga qaaday Garoonka Aadan Cadde waxaana sida qorshaha uu yahay ay gaarsiin doonaan Magaalooyinka Jowhar & Dhuusamareeb.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Somaliya ayaa lagu sheegay in qaybtii ugu dambeysay qalabkaan loo diray Hirshabelle & Galmudug.

“Wasaaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa maanta u sii dhiibtay Maamul Goboleedada Galmudug iyo Hirshabeelle qalab loogu talo galay ka hortaga cudurka Corona Deeqdaan ayaa Dawladda Soomaaliaya waxay kasoo gaartay Jack Ma Foundation qalabakan ay maanta Wasaaradda Caafimaadku sii dhiibtay ayaa ah qoondadi Maamul Goboleedyada loogu talo galay teedii ugu danbaysay oo la diro.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Somaliya illaa hadda waxaa laga diiwaangeliyay Saddex Kiis oo Caabuqa Covid-19 waxaana socdo dadaalo kala duwan oo looga hortagaayo in dalka uu ku sii faafo Caabuqaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com