Home Uncategorised Dowladda Masar oo oodda ka qaaday 38 qof oo Soomaali ah, oo...

Dowladda Masar oo oodda ka qaaday 38 qof oo Soomaali ah, oo ku xirnaa Magaalada Alexandria

Laamaha ammaanka dalka Masar, ayaa saacadihii ugu dambeeyay xabsiga ka sii daayay 38 qof oo Soomaali ah, ka gadaal markii ay xaqiijiyen inay haystaan kaararka qaxootiga ee Hay’adda UNHCR.

Booliska Masar, ayaa qaxootigaasi xabsiga u taxaabay bishii hore ee August, xilli ay marayen Magaalada Alexandria, waxaana qaxootiga la xiray, iyagoo isku deyaaya inay ka tahriiban xeebaha dalkaasi.

Hay’adda UNHCR oo Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha qaxootiga, ayaa gacan weyn ka gaysatay sidii dadkaasi dib xoriyadooda loogu siin lahaa, dadkaasi oo haystay kaararka aqoonsiga ee qaxootinimo.

Dadkan, ayaa isugu jiray rag iyo dumarba, sida ay tebisay Warbaahinta Masar, waxaana la fillayaa inay dib ugu noqdaan Xarunta Wadanka Masar Ee Magaalada Qaahira.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, ayaa dalkaasi waxaa lagu xiray 150 qof oo Soomaali ah, kuwaa oo qaarkood ka soo tallaabaday xuduuda dalka Masar uu la wadaago Suudaan.

Xabsiyada dalka Masar, ayaa waxaa ku xiran in ka badan 200 oo qof oo Soomaali ah, iyadoona la qabtay, mar ay damacsanaayen inay ka tahriiban xeebaha dalkaasi.