Home Wararka Maanta Diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Kenya oo ku burburtay Magaalada Dhoobley

Diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Kenya oo ku burburtay Magaalada Dhoobley

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Dhoobley ee deeganada Maamulka Jubbaland Diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Kenya ayaa ku bur burtay Garoonka Diyaaradaha Dhoobley.

Diyaaradan oo siday sahay loo waday Ciidamada Kenya ayaa soo dhacday, xilligii diyaarada ay cago dhigan rabtay, balse ay u suurageli wayday.

Saraakiisha Somalida ee Airportka ku sugan ayaa soo sheegaya in shilkaasi diyaaradeed uu ku dhintay hal ruux oo ahaa duuliyihii diyaarada, sidoo kalena uusan jirin Khasaare kale oo dhimasho ah.

Bishii la soo dhaafay ayeey aheyd markii Diyaarad Ciidamada Jabuuti sahay u siday ay ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne, iyadoo duuliyaha diyaarada waqtigaasi sheegay dameer inuu sabab u ahaa soo dhicida diyaarada.

Waxaa soo badanaya shilalka ay galayaan Diyaaradaha Sahayda u wada Ciidamada Midowga Afrika Amisom ee ku sugan gudaha Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com