Home Dhacdooyinka Dhismaha Garoonka Stadium Muqdisho oo geba-gabo maraya (SAWIRRO)

Dhismaha Garoonka Stadium Muqdisho oo geba-gabo maraya (SAWIRRO)

Waxaa heer geba-gabo ah maraya Dhismaha Garoonka Stadium Muqdisho ee Magaalada Muqdisho, oo muddooyinkii ugu dambeysay uu dib u habayn ballaaran ku socday.

Shirkadda dhiseysa Garoonka Stadium Muqdisho ayaa waxaa qandaraaska lagu dhisaya siisay Dowladda Federaalka, ka dib markii Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ay isaga guureen.

Shirkadan ayaa sanadkii hore mar joojisay dhismihii ay garoonka ka waday, ka dib markii ay farriin hanjabaad ahayd kaga timid Ururka Al Shabaab, inkastoo aan la garanayn waxa markii dambe lagu xaliyay.

Muuqaalo laga soo qaaday dib u habaynta ka soconaya garoonka kubadda cagta ee dalkeena ugu weyn ayaa waxaa ka muuqanaya qaabka casriga ah, ee xilligan dib loogu hawlgelinayo garoonkaasi.

Bahda kubadda cagta meelkastoo ay dalka ka jooggaan ayaa waxay isha ku hayaan goorta la soo geba-gabeen doono dib u habaynta ku socota Stadium Muqdisho.

Garoonka ayaa horseedi doono in cayaartoyda qurbajoogta Soomaaliyeed, xilliyada fasaxa ahi marka ay dalka yimaadaan, in ay kula tababartan kuwa kale ee dalka joogga, si ay uga faa’iideeyaan qibradooda xagga kubadda cagta.

Dib u hawlgelinta garoonkan ayaa qayb ka ah waxqabadka la taaban karo ee ay la timid Dowladda Madaxweyne Farmaajo, saddexdii sano ee uu xafiiska joogay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com