Home Wararka Maanta Dagaal Khasaare gaystay oo ka dhacay Gobolka Baay

Dagaal Khasaare gaystay oo ka dhacay Gobolka Baay

Dagaal u dhaxeeyay Shabaab & Ciidanka dowladda Federalka Somaliya, ayaa ka dhacay duleedka Degmada Diinsoor ee Gobolkaasi Baay ka tirsan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Ciidamada dowladda Federalka Somaliya weerar ay ku qaadeen deegaan 28 KM u jira Degmada Diinsoor oo Shabaab ay ku sugan yihiin.

Waxaa halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay labada dhinac oo sababay Khasaare dhimasho & dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Guddoomiyaha Maamulka Degmada Diinsoor ayaa guulo ka sheegtay dagaalkaasi oo ka dhacay deegaanka kurmaan oo 28 KM dhanka Waqooyi ugu beegan degmadaasi,

Abdisalaan Haaji Siidow (Abdisalaan Diyaar) Guddoomiyaha Degmada Diinsoor ayaa sheegay 7 nin oo Shabaab ah in lagu dilay dagaalkaasi.

“Waxaan saaka weerar ku qaadney deegaanka Kurmaan ciidamadeena hada waxay ku sugan yihiin deegaanka waxaana shabaab ka dilney todobo ruux (7).” sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha degmada Diinsoor.

Al Shabaab dhankooda wali kama aysan hadlin dagaalkaasi Khasaaraha gaystay ee Ciidamada dowladda & Shabaab ku dhexmaray Gobolka Baay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com