Home Wararka Maanta Dagaal isir sooc ah oo ka soconaya duleedka Magaalada Kismaayo

Dagaal isir sooc ah oo ka soconaya duleedka Magaalada Kismaayo

Dagaal beeleedyada mudada laba bilood ka soconaya duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa isu bedelay mid isir sifeen ah.

Dagaalka oo aan intii hore lagu beegsanayn dadka barimageedada ah ayaa waxaa iminka la soo sheegaya in si gaar ahi loo beegsanayo haweenka, carruurta iyo dadka kale, ee an dagaalkaasi qaybta ka ahayn.

Labadii habeen ee ugu dambeysay ayaa siyaabooyin kala duwan waxaa guryahooda loogu weeraray qoysas barimageeddo ah, iyadoona dil iyo dhaawacba loo gaystay.

Mid ka mid ah qoysaska la weeraray oo aabihii qoyska iyo wiil laba jir ahaa oo iyagoo dhaawacyo qaba ayaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Kismaayo.

Aabaha qoyska oo dhacdadan uga waramay Radio Kulmiye ayaa sheegay inaysan wax luga ku lahayn labada dhinac ee ku wada dagaalamaya duleedka Kismaayo, sababta loo soo weerarayna ay tahay, iyagoo ku heyb mid ka mid ah maleeshiyada ay dirirtu u dhaxeyso.

Dhageyso: Wareysiga odayga.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com