Home Wararka Maanta Dagaal dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Degmada Buurhakaba

Dagaal dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Degmada Buurhakaba

Dagaal kulul ayaa maanta ka dhacay Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, kaasoo gaystay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo mid maaliyadeedba leh.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidan ka wada tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana uu dagaalku ka dambeeyay markii laba qof oo rayid ahayd Jimcihii lagu dilay bar kontorool oo gaadiidka lagu canshuuro.

Ciidan maanta tagey kontoroolkaasi oo dalbaday in lagu soo wareejiyo askartii wax dishay oo lagu gacan-seyray ayaana xabadda bilaabay.

Iska horimaadka oo in muddo ahba ka socday Degmada Buurhakaba ayaa xaalad adag geliyay degmadaasi, iyadoona uu hakad ku keenay isu socodkii dadka iyo gaadiidkaba.

Inta la xaqiijiyay lix qof ayaa ku dhimatay iska horimaadkan, kuwaa oo afar ka mida ah yihiin ciidamadan wada dagaalamay, waxaana jira dhawr kale oo ku dhaawacantay.

Sidoo kale waxaa jira tiro guryo ah oo burbur uu ka soo gaaray hubkii dagaalka la isku adeegsaday.

Wararka laga helayo Degmada Buurhakaba ayaa sheegaya in Maamulka Degmada iyo Saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeedba, ay wadaan dadaalo xiisadda lagu qaboojinayo.

Iska horimaadyada ceynkani oo kala ah ayaan looga baran Degmada Buurhakaba, oo qiyaastii 60km u jirta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com