Home Wararka Maanta Ciidamada Madaxtooyada oo la wareegay amniga musharax Cali Saciid Fiqi

Ciidamada Madaxtooyada oo la wareegay amniga musharax Cali Saciid Fiqi

Musharax Cali Saciid Fiqi ayaa waxaa maalinta berrito lagu wadaa in Magaalada Baydhabo loogu doortay jegada Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Cali Saciid Fiqi ayaa 19-kii bishan lagu dhex arkay liiska Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Koonfur Galbeed, iyadoo uu ka mid noqday musharaxiinta isu soo sharaxay Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxda Dowladda Federaalka ay ku qanciyeen in uu isaga soo taggo Magaalada Brussels ee Xarunta Belgium-ka, isla-markaana uu ka mid noqdo Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed, si uu ugu tartamo, uguna fariismo kursiga ugu sareeya ee Baarlamaanka.

Musharax Cali Saciid Fiqi ayaa maalintii Axada soo gaaray Magaalada Baydhabo, markii uu kaga soo gudbay dhinaca Magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Shaati-gaduud.

Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa la wareegay inay suggaan amniga Cali Saciid Fiqi, oo dhawaan iska casilay Danjiraha Somaliya ee Midowga Yurub.

Ilo muhiim ah ayaa Dhacdo.com u sheegay in musharaxa la dejiyay Xarunta Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed, oo dacalka ku haysa Madaxtooyada Magaalada Baydhabo, waana halkii la dejiyay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), markii loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, 19-kii December ee sanadkii 2018.

Illaa shan Xildhibaan ayaa u sharaxan Gudoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad iyo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad.

Xildhibaan Cali Saciid Fiqi iyo Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nuur ayaa isu soo sharaxay jegada Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo Xildhibaanad Aamina Isaaq Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed u taagan yihiin jegada Gudoomiye Kuxigeenka 1aad, halka Xildhibaanad Shamso Maxamed Yarow ay u taagan tahay jegada Gudoomiye Kuxigeenka 2aad.

Musharaxiinta oo maanta hortagey Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ka horjeediyay khudbadahooda waxa ay qaban doonaan, marka la doorto.

Kulankii maanta ayaa Xildhibaan Cali Saciid Fiqi loogu dhaariyay xubinimadiisa Baarlamaanka Koonfur Galbeed, maadaama uu dalka ka maqnaa toddobadkii hore, markii Xildhibaanada la dhaarinayay.

Haddii aynaan wax mucjiso ahi dhicin musharax Cali Saciid Fiqi waxa uu berrito noqon doonnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com