Home Wararka Maanta Ciidamada dowladda oo wiil dhalinyaro ahaa ku dilay Isgoyska Siinaay

Ciidamada dowladda oo wiil dhalinyaro ahaa ku dilay Isgoyska Siinaay

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Isgoyska Siinaay Ciidamada Booliska ee halkaasi ku sugan ayaa saaka toogtay wiil dhalinyaro ka mid ahaa dadka deegaanka.

Dilka wiilkaan dhalinyarada ahaa ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Suuqa Siinaay, kadib markii sida dadka deegaanka ay sheegeen muran uu soo kala dhexgalay Ciidamada dilka gaystay & wiilka loo gaystay.

Narxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Abuukar Tuuryare, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

Ciidamo kale oo ka tirsan Booliska ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay, waxaana halkaasi ay ka qaadeen maydka marxuumka la dilay.

Allaha u naxariistee Marxuumka la dilay ayaa si wayn looga yaqaanay Suuqa Siinaay waxaana uu ahaa nin afgaaban sida ay sheegeen dadkii aqoonta u lahaa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com