Home Wararka Maanta Ciidamada dowladda oo soo furtay xoolo Shabaab uruursadeen

Ciidamada dowladda oo soo furtay xoolo Shabaab uruursadeen

Kadib hawlgal ay ciidanka dowladda ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolk Hiiraan, ayaa waxaa ugu suuragashay ciidamada inay soo furtaan xoolo Shabaab uruursadeen.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa sheegay xoolahan nool Shabaab inay ka uruursadeen dadka deegaanka.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidamadu ka sameeyeen tuulada Muuse-geel iyo kuwa kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka ujeedkiisu ahaa sidii Al-Shabaab looga saari lahaa waddooyinka u dhaxeeya deegaanka Moqokori iyo degmada Maxaas oo mararka qaar ay weeraro ka fuliyaan.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada xoogga ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka soo qaadeen illaa 400 (Afar boqol) neef oo ari ah oo ay sheegeen inay horay uga qaadeen dadka shacabka, kaddib markii ciidamadu ay weerareen goob ay ku uruurinayeen, iyadoo dadki lahaa ay ciidamadu dib ugu celiyeen xoolahooda.

Shabaab ayaa dadka waxa ay ka uruuriyaan xoolo nool oo ay ku sheegaan inay tahay Zakawaad, taasi oo ay ka qaadaan dhamaan deeganada Shabaab ay maamulaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com