Home Wararka Maanta Cabdiraxmaan Mucaawiye oo loo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska R/wasaaraha

Cabdiraxmaan Mucaawiye oo loo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska R/wasaaraha

Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim ayaa si ku-meel-gaar ahi loogu magacaabay inuu noqdo Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya.

Kusimaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku shaaciyay magacaabidda Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim.

“Waxaan Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim u magacaabay in si KMG ah uu u haayo xilka xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha. Waxuu bedelaya Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo si KMG ah horey ugu hayay xilkaan.” Ayuu yiri Kusmaha Ra’iisal Wasaaraha.

Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo si dhow loola xiriiriyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilka loo magacaabay 25-kii bishii Luulyo.

Ma cadda sababta keentay in si deg deg ahi xilka looga qaado Cabdirisaaq Xuseen Aadan, oo Talaadadii xilka kala wareegay Xoghayihii Joogtada ee Xafiiska Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, waa Axmednuur Maxamed Cabdi.

Axmednuur Maxamed ayaa xilka loo magacaabay horaantii sanadkii 2018. Mudadii uu xafiiska joogay ayuu shaqada ka eryay xubno ka tirsanaa Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, kuwaa oo xafiiska joogay ka hor xilligii Ra’iisal Wasaare Khayre.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com