Home Wararka Maanta Axmed Madoobe oo ka gilgishay maamulka ay dowladda u dhistay Gedo

Axmed Madoobe oo ka gilgishay maamulka ay dowladda u dhistay Gedo

Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxay si xoogan uga hortimid maamulka cusub ay Dowladda Federaalka ka dhistay Gobolka Gedo, taa oo ay ku tilmaamtay mid ka baxsan qaanuunka dalka.

Bayaan ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxaa lagu sheegay in Jubbaland ay ka xun tahay falalka sharci-darrada ah baa bayaanka lagu yiri ee ay Dowladda Federaalka ka waddo Gobolka Gedo, kuwaas oo sababay qalqal amni, jahawareer siyaasadeed iyo burbur bulsho.

“Sidaas daraadeed Dowlad Goboleedka Jubbaland waxay cadeynaysaa in ay waddo Dowladda Federaalka Somaliya ku xadgudubka dastuurka iyo baabi’inta nidaamka federaalka ah ee dalka u degan.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Sida bayaanka lagu sheegay waxaa ay Jubbaland aqoonsan tahay Gudoomiye-yaashii ay iyadu horey ugu magacawday Gobolka Gedo, isla-markaana ay yihiin kuwa keliya ee sharciga ah

Jubbaland ayaa dadka reer Gedo ugu baaqday inay la shaqeeyan Maamulka Gobolka Gedo ee sharciga ah, ciddii aan la shaqeyna ay qaadi doonto wixii masuuliyad-darro ah ee ka dhasha, sida bayaanka lagu yiri.

Jubbaland waxaa ay kol hore sheegtay in Dowladda Federaalka ay Gobolka Gedo ka jareyso Jubbaland inteeda kale, taasoona ay ku tilmaamtay mid liddi ku ah shuruucda dalka.

Xiisadda ka oogan Gobolka Gedo waxaa ay soo korodhay ka dib doorashadii lagu murmay, ee 22-kii bishii August ee sanadkii hore ka dhacday Magaalada Kismaayo, laguna soo doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com