Home Wararka Maanta Askari ka tirsan Ciidamada dowladda oo wiil dhalinyaro ku dilay Dhuusamareeb

Askari ka tirsan Ciidamada dowladda oo wiil dhalinyaro ku dilay Dhuusamareeb

Wararka aan ka helayno Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, ayaa waxa ay sheegayaan inuu halkaasi ka dhacay dil.

Dilka ayaa waxaa gaystay askari ka tirsan Ciidamada dowladda oo sida la sheegay ilaalo u ah Senator Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey, waxaana dilka loo gaystay wiil dhalinyaro ahaa oo Magaalada joogay.

Wiilka la dilay ayaa waxaa la sheegayaa inuu watay gaari nooca raaxada ah, waxaana dilkiisa uu ka dhacay afaafka hore ee guriga Senator Yuusuf Dhagey.

Shaafici Yuusuf Diiriye oo ah Marxuumka la dilay, ayaa waxa uu watay gaari noociisa uu yahay Laylo Calaawi, balse waxaa la sheegay Askari ka tirsan Ciidamada illaalada Senator Yuusuf Dhagey inay wada murmeen, kadibna uu sidaasi xabada ugu dhuftay.

Shaafici oo dhaawiciisa aad u liito ayaa loola cararay Isbitaal Magaalada ku yaallo, halkaasi oo ugu dambeyn uu ku geeriyooday Marxuumka.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Xildhibaano & Senataro ka soo jeeda deeganada Galmudug, kuwaasi oo halkaa u tagay arrimaha Galmudug & xalinta khilaafyo jiray.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com