Home Wararka Maanta Amisom oo qalab ugu yaboohday Booliska Koonfur Galbeed (SAWIRRO)

Amisom oo qalab ugu yaboohday Booliska Koonfur Galbeed (SAWIRRO)

Taliska Booliska Amisom ayaa qalab ugu yaboohay Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed, ka dib kulan loogu wareejinaayay qalabkaasi oo ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Sida lagu sheegay war qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta Amisom ayaa wuxuu qalabkan isugu jiraa kuraas, miisas iyo kabarada armaajooyinka.

Sidoo kale qalabkan ayaa loogu tala-galay in loo qaybiyo Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ee ka hawlgala Degmooyinka Afgooye, Marka, Baydhabo, Xudur iyo Berdaale.

Saraakiil Booliska Amisom ka tirsan ayaa waxay deeqdan ku wareejiyeen Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Cali Subag. Wasiir Subag ayaana qalabkan u wakiishay inuu la wareego Taliyaha Booliska Baydhabo, Mukhtaar Ibraahim Axmed.

Deeqdan ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli dowladdu ay qorsheynayso in ciidan hor leh ay gayso saldhigyada ku yaala degmooyinkaasi, iyadoona uu qalabkan anfici doono.