Home Maqaalo 7 Qodob oo sabab u ah fashilka Al Shabaab

7 Qodob oo sabab u ah fashilka Al Shabaab

Waxaa isa soo taraaya fashilada joogtada ah oo ay wajaheyso kooxda Alshabaab kadib markii Hay’adaha amaanka Qaranka ay qaaden talaabooyin lidi ku ah kooxdaasi.

Asbaabaha Al-Shabaab ku khasabtay inay ku fashilman dhagarta ay ka dhexwaden bulshada Soomaaliyeed ayaa waxaa kamid ah baraaruga shacabka.

Fashilka kooxdan ayaa waxaa lagu micneeyay 7 qodob oo kala ah:-

1-Bulshada oo garatay Dhagarta Alshabaab.

2-Xasuuqa loo geysanayo shacabka oo loo waayay daliil diini ah oo lagu xalaaleysto dhiiga.

3-Khilaaf xargaha goostay oo saldhig u noqday Alshabaab.

4-Dhaqaalaha kasoo gali jiray Al-Qacida oo hoos u dhacay %82.

5-Awooda DFS oo ku baahday min caasimada ilaa Gobolada.

6-Awooda sooma-jeestayaasha oo dhabar jabisay Alshabaab.

7-Wada shaqeyn ku dhisan kalsooni oo dhexmartay Hay’adaha amaanka iyo Shacabka.

Si kastaba ha ahaatee, guul darada Alshabaab ayaa waxaa soo dhaweeyay shacabka Soomaaliyeed oo ka dhabeeyay oraahdii aheyd “Gamco wadajir ayey wax ku qabankaran”

Qore: Anwar Bakhiit