Home Wararka Maanta 66 jir noqday qofkii ugu horeeyay oo Kenya ugu geeriyooda Coronavirus

66 jir noqday qofkii ugu horeeyay oo Kenya ugu geeriyooda Coronavirus

Kenya ayaa diiwaangelisay qofkii ugu horeeyay oo dalkaasi ugu geeriyooda caabuqa dilaaga ah ee Coronavirus, ka dib markii uu u geeriyooday nin 66 jir ahaa.

Bayaan Khamiistii ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Caafimaadka Kenya, Mutahi Kagwe ayaa lagu sheegay 66 jirkan in uu noqday qofkii ugu horeeyay, oo u dhinta Coronavirus, gudaha dalka Kenya.

Bayaanka ayaa waxaa lagu sheegay ninkaasi in 13-kii bishan uu ka soo laabtay dalka Koonfur Afrika, isla-markaana uu la xanuunsanayay xanuunkan saf marka ah.

Sidoo kale waxaa bayaanka lagu sheegay in 66 jirkaasi uu qabay amaba uu horey ula tacaalayay xanuunka macaanka.

66 jirkan oo muwaadin Kenyan ahaa ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii ku geeriyooday Isbitaalka Aga khan ee Magaalada Nairobi.

Dalka Kenya ayaa waxaa xilligan laga diiwaangeliyay in 28 qof laga helay xanuunka dheereeya ee COVID-19, guud ahaan dalkaasi.

Caabuqan oo adduunka oo dhan gilgilay ayaa gaaray oo ku fiday 175 ka mid ah dalalka dunida, haba ugu horeeyan kuwa horumaray.

Caalamka oo idil waxaa laga xaqiijiyay in laga diiwaangeliyay 510,108 kiis oo la xiriira caabuqa COVID-19, ee ka dhashay fayriska Corona, waxaana u geeriyootay 22,290, halka ay ka soo bogsadeen 120,000, sida ku cad xog uruurin ay samaysay Jaamacadda Johns Hopkins.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com