Home Wararka Maanta 5 nin oo dilal ku eedeysan oo la soo taagay Maxkamadda Kismaayo

5 nin oo dilal ku eedeysan oo la soo taagay Maxkamadda Kismaayo

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubaland ayaa waxaa maanta la horkeenay shan nin oo ku eedeysan dil, kuwaa oo saddex ka mida ay ka tirsan yihiin Ciidanka Booliska Jubbaland.

Saddexda askari ee la soo eedeeyay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Yuusuf Xuseen Xasan, Cabdiqafaar Bishaar Xasan iyo Bille Buraalle Dhaqane, waxayna ku eedeysan inay dileen nin xoogsato ahaa.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Nuur Maxamed Cabdulle ayay Maxkamadda Ciidamada ogaatay inuu u geeriyooday jirdil ay u gaysteen saddexdaasi askari.

Dhanka kale Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Xarunteeda Magaalada Kismaayo ayaa waxaa maanta la horkeenay Faarax Cabdirashiid Cilmi iyo Maxamed Rashiid Maxamuud oo ku eedeysan kiis dil ah.

Labadan nin ayaa lagu soo eedeeyay inay marxuum Cabdifataax Maxamed Maxamad ku dileen deegaanka Ungumi ee miyiga Magaalada Kismaayo.

Garsoorka Maxkamadda Militariga oo dhageysiga maxkamadeynta eedeyne-yaasha soo xiray ayaa u ballamay kulan kale, oo horey loogu sii amba qaadi doono maxkamadeyntooda.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ayaa marar badan xukuno dil ahi ku fulisay askar lagu helay inay dil u gaysteen dad rayid ah iyo askar ay shaqo wadaag ahaayeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com